Youtube sidee lacag looga smaeeyaa ..
Sida YouTube Lacag Looga Sameeyo – Hagaha Fududeye ee Bilowga ilaa Guusha YouTube maanta ma aha kaliya madal lagu daawado muuqaallo; waa fursad ganacsi oo ay dad badan noloshooda ku beddeleen. Fududeye ahaan, waxaan aaminsanahay in wax walba loo fahmi karo si sahlan, taas ayaana sabab u ah in qormadan aan kuugu sharaxno sida YouTube lacag looga sameeyo si fudud, dhab ah, oo tallaabo-tallaabo ah. Haddii aad tahay qof bilow ah ama aad horey u lahayd channel aan weli shaqayn, qoraalkan wuxuu kuu noqonayaa hage cad. Waa Maxay YouTube Monetization? YouTube Monetization waa nidaamka kuu oggolaanaya in aad lacag ka hesho muuqaallada aad daabacdo. Lacagtu badanaa waxay ka timaadaa xayeysiinta, laakiin sidoo kale waxaa jira habab kale oo badan oo dakhli lagu sameeyo. YouTube wuxuu lacag ku siinayaa marka: • Dadku daawadaan videos-kaaga • Ay la falgalaan (likes, comments, shares) • Xayeysiintu ka muuqato content-kaaga Shuruudaha YouTube Lacag Lagu Bilaabo (YouTube Partner Program) Si aad u...